Mareykanka: Dacwad lagu soo oogay nin dab qabadsiiyey masaajid

Image
Jackie Rahm Little oo 36-sano jir ah ayaa kiiskan ku muteysan kara ilaa 10 sano oo xarig ah.

WASHINGTON, United States - Nin kasoo jeeda Minneapolis ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu dab qabadsiiyay laba ka mid ah masaajidda magaaladaas asbuucii hore, waxaana loo jaray warqad lagu soo xirayo.

Jackie Rahm Little ayaa wajahaya hal dacwad heerka labaad ka gadaal markii fiidnimadii Isniinta todobaadkii hore uu gubay dabaqa saddexaad ee Xarunta Mercy Islamic Center oo uu ku yaallo Masjidka Al Rahma.

Dabka ayaa argagagax geliyey bulshada Muslimiinta ee Minnesota. Tobanaan hoggaamiyeyaasha bulshada degaanka ah ayaa ka dhiidhiyay falka waxayna ku tilmaameen weerarkaas mid salka ku haya Islaam nacayb.

Warqada dacwadda laguma xusin sababta uu Little u geystay falka. Hase ahaatee, waxay u aqoonsatay nin cadaan oo 36 jir ah kaasoo aan la gareyn meesha uu illaa waqti xaadirkan uu ku dhuumaaleysanayo.

Dacwada gubista heerka labaad ayaa ah mid uu eedeysanaha ku mutesan kro in lagu xukumo ilaa 10 sano oo xarig ah iyo illaa aduun lacageed dhan $20,000 oo ganaax ah.

Balse, waa in la caddeeyo in eedeysanaha uu "si ula kac ah u burburiyey ama u dhaawacay hanti ma guurto ah ama mid gaar ah oo lagu qiimeeyey in ka badan aduun lacageed dhan $1,000."

"Wixii intaas ka yar waxa uu ku wajihi karaa cawaaqib-xumo intaas ka hooseysa," ayay sheegeen khuburada dhanka sharciga ee kiiskan sidda weyn isha ugu haya isla markaana rajaynayo in natiijo macquul ay kasoo baxdo.

Ma ahan markii ugu horeysay Jackie Rahm Little dacwad lagu soo oogo. Sanadkii 2019-kii ayaa lagu waramay in mar xabsi loo dhigay sababo ku aadan in uu gaari kaxeeyay isaga oo sarkhaasan taasoo ah dambi aad u culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM