Mareykanka: Nin afduub u maleegay mas'uul sare oo la xukumay

Image
Adam Fox, oo 39 jir ah, ayaa lagu waramay in uu ahaa maskaxda ka dambeysay shirqoolkan dhicisoobay.

WASHINGTON, United States of America - Hogaamiyaha shirqool la doonayay in lagu afduubo barasaabka gobolka Michigan, Gretchen Whitmer, ayaa waxaa lagu xukumay 16 sano oo xarig ah.

Adam Fox, oo 39 jir ah, ayaa Talaadadii waxa uu ka soo hor muuqday garsooraha maxkamad heer degmada oo lagu magacaabo Richard Jonker kaasoo fadhigiisu yahay Grand Rapids.

Horaantii sanadkan, Fox oo ay wehliyaan dabley ayaa waxaa lagu helay danbi ah inuu qorsheynayay inuu haweeneyda la yiraahdo Whitmer ka afduubo gurigeeda xilli ay fasax ku joogtay halkaas.

Kooxdan burcadda ah ayaa beegsatay gudoomiyahan ka tirsan xisbigan Dimuqraadiga sanadka 2020 sababo ku aadan in ay si weyn uga soo horjeeday xayiraadihii loosoo rogay Covid-19 awgiisa.

Bishii Ogosto, xeerbeegtida ayaa go'aamiyay in laba nin ay maleegeen dambiga laguna helay hubka wax gumaada ee bamka ayna doonayeen in ay isaga caabiyaan falcelinta laamaha amniga.

Bishii Oktoobar oo u soo baxay go'aan kale oo saameyn weyn ku leh kiiskan, saddex nin oo kale ayaa lagu xukumay inay taageereen shirqoolka ka dhanka ah Ms Whitmer.

Xeerbeegtida ayaa ku helay Joseph Morrison, 28, soddoggiis Pete Musico, 44, iyo Paul Bellar, 23, in ay xubin ka ahaayeen burcad, ku xadgudubka hubka iyo bixinta agab lagu taageerayo argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM