Mareykanka oo bilaabay olole uu xabadjoojin ugu raadinayo Gaza

Image
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, oo si shaqsi ah u dejiyay qorshaha xabbad joojinta 31-kii May.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u ambabaxay bariga dhexe dadaal cusub oo ku aadan xabad joojin aan la fileyn oo Gaza laga gaaro labo todobaad ka hor doorashada Mareykanka.

Waxa uu noqonayaa safarkii 11-aad ee uu ku tago diblumaasiga ugu sareeya Mareykanka tan iyo markii uu dagaalku qarxay sanad ka hor.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, oo si shaqsi ah u dejiyay qorshaha xabbad joojinta 31-kii May ee sidoo kale laga soo furtay la haystayaasha Gaza, ayaa rajo cusub arkay tan iyo markii Israa’iil ay todobaadkii hore dishay hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar.

Biden oo la hadlayay warfidiyeenada oo booqasho ku jooga dalka Jarmalka ayaa sheegay in uu wacay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu si uu ugu hambalyeeyo una sheegay in Blinken uu ku wajahan yahay gobolka.

"Waxaan u sheegay inaan runtii aad ugu faraxsannahay ficilladiisa, oo weliba, in hadda la joogo waqtigii aan hore u socon lahayn - u soco, u gudub xabbad joojin," ayuu yiri Biden.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM