Mareykanka oo dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al Qaacida

Image
Weerarkan oo dhacay Isniintii ayaa lagu bartilmaameedsaday Abu Hamzah al Yemeni.

DIMISHIQ, Suuriya – Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay weerar ka fuliyeen gobolka Idlib ee dalka Suuriya kaas oo lagu beegsaday hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Weerarkan oo dhacay Isniintii ayaa lagu bartilmaameedsaday Abu Hamzah al Yemeni, oo ah “hogaamiye sare” oo ka tirsan ururka Al-Qaacida ee Hurras al-Diin, xilli uu keligiis ku safrayay mooto, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska dhexe ee Maraykanka.

Waxay intaa ku dartay in warbixinaha hore aysan muujinin khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.

Kooxaha rabshadaha sida Hurras al-Din ayaa khatar joogta ah ku haya Maraykanka iyo xulafadiisa, sida lagu sheegay bayaanka.

"Khaarajinta hoggaamiyahan sare waxay carqaladayn doontaa awoodda al-Qaacida si ay u fuliso weerarrada ka dhanka ah muwaadiniinta Mareykanka, saaxiibadayada iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee caalamka," ayaa lagu daray qoraalka waaxda difaaca Maraykanka.

Hay'adda Difaaca Madaniga ah ee Suuriya, oo ah hay'ad bini'aadantinimo, ayaa barteeda twitter-ka ku sheegtay in nin la dilay wax yar ka hor saqdii dhexe ka dib markii mooto uu watay lagu beegsaday laba gantaal, iyadoo intaas ku dartay inay maydka u wareejisay waaxda dambi-baarista ee magaalada Idlib.

Duqeymahan ayaa yimid 10 maalmood ka dib markii weerar dhulka ah oo naadir ah oo ciidamada Mareykanka ay ka fuliyeen waqooyi-galbeed Suuriya ay ku qabteen hoggaamiye sare oo ka tirsan Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM