Mareykanka oo gantaalo ku garaacay Iran iyo Trump oo soo saaray digniin kulul
WASHINGTON — Ciidamada Mareykanka ayaa xalay qaaday duqeymo lala beegsaday deegaanno u dhow Marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, xilli waftigii ugu sarreeyay oo ka socda dalka Iiraan ay u safreen dalka Qatar si ay u wada hadlaan, loona soo afjaro dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israel iyo Iiraan.
Hogaanka Ciidamada Mareykanka ee CENTCOM ayaa sheegay in weeraradan ay ahaayeen kuwo "isku-difaac ah" oo lagu ilaalinayo ciidamadooda ku sugan gobolka, inkastoo aysan bixin faahfaahin buuxda oo ku saabsan goobaha rasmiga ah ee la duqeeyay. Dhanka kale, warbaahinta dalka Iiraan ayaa sheegtay in qaraxyo laga maqlay magaalada Bandar Abbas ee koonfurta Iiraan, taas oo qiyaastii 70 kiiloomitir u jirta Marinka Hormuz.
Afhayeenka CENTCOM, Captain Tim Hawkins, ayaa war qoraal ah oo uu siiyay telefishinka Al Jazeera ku sheegay inay beegsadeen goobaha laga gantaalada laga rido iyo doonyo ay wateen ciidamada Iiraan oo isku dayayay inay miinooyin ku aasaan badda.
Weerarkan cusub ayaa yimid xilli uu jiro xabbad-joojin ay dhexdhexaadinayso dowladda Pakistan oo dhaqangashay tan iyo 8-dii April, iyo iyadoo ay jirtay rajo weyn oo muujinaysay in la gaari karo heshiis lagu soo afjarayo dagaalkan ragaadiyay suuqyada caalamka, gaar ahaan dhanka tamarta iyo shidaalka.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, oo booqasho ku jooga dalka Hindiya, ayaa warbixintan xaqiijiyay, wuxuuna sheegay in Marinka Hormuz oo ah halbawlaha tamarta caalamka, uu waajib tahay inuu furnaado "si kasta oo ay ahaataba." Rubio ayaa intaas ku daray in wadahadalka Iiraan uu qaadan karo dhowr maalmood kale, taas oo meesha ka saartay rajooyinkii laga qabay in heshiis degdeg ah saacadaha soo socda la gaaro.
Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa barta uu leeyahay ee Truth Social ku qoray in wadahadalka Iiraan uu u socdo "si qurux badan," balse wuxuu uga digay Iiraan weeraro horleh haddii wadahadalladu fashilmaan. Trump wuxuu yiri: "Tani waxay noqon doontaa heshiis weyn oo qof walba u wanaagsan, ama heshiis xitaa ma jiri doono."
Kala fogaanshahan cusub ee dhanka ciidanka iyo diblomaasiyadda ayaa imaanaya maalmo yar ka dib markii Trump uu sheegay in heshiis hordac ah (MoU) si weyn loo diyaariyay, taas oo rajo gelisay suuqyada caalamka oo uu saameeyay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka.
GAROWE ONLINE