Mareykanka oo ISIL ka dilay horjooge maleegayay afduubka madax

Image
Abd-al-Hadi Mahmud Al-Haji Ali ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in uu qaabilsanaa qorsheynta iyo abaabulida weerarrada.

WASHINGTON, USA - Hogaamiye sare oo ka tirsanaa Daacish ayaa lagu dilay duqeymo diyaarado Helicopter ah ka fuliyeen waqooyiga Suuriya Isniintii, sidda uu sheegay taliska dhexe ciidamadda Mareykanka ee CENTCOM.

CENTCOM oo war-saxaafadeed ay soo saartey loo diray xarumaha warbaahinta madaxa-banaan ayaa shaaca ka dhigtey in magaca horjoogan uu yahay Abd-al-Hadi Mahmud Al-Haji Ali.

Abd-al-Hadi ayaa lag waramay in uu ISIL u qaabilsanaa qorsheynta iyo abaabulida weerarrada argagixisada ee Bariga Dhexe iyo Yurub, sidda laga soo xigtey bayaanka CENTCOM.

Labo xubnood oo ka tirsanaa maleyshiyaadkiisa ayaa sidoo kale lagu khaarijiyey howlgalkan, sidda taliska shaaciyey. Balse, lama soo bandhigin fahfaahinta iyo magaca dagaalameyaashan.

"Howlgalkan waxa uu yimid ka dib markii taliska sirdoonka shaaca ka qaadey in uu jiro qorshe ay ISIS ku dooneyso in ay ku afduubato mas’uuliyiin qaabilsan arrimaha dibadda," ayaa lagu soo xiray warka qoraalka ah.

Ugu yaraan 13 ka mid ah madaxda sare ee ISIL ee wadamadda Suuriya iyo Ciraaq ayaa la dilay ama la qabtay tan iyo horraantii 2022, oo uu ku jiro Khalid 'Aydd Ahmad al-Jabouri.

Al-Jabouri, oo la sheegay in uu qaabilsanaa qorsheynta weerarro ka kala dhacay Turkiga iyo dalal ka tirsan Midowga Yurub, ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku fuliyey horaantii bishan.

Toddobaadkii hore, taliska CENTCOM ayaa sidoo kale waxa uu ku dhawaaqay in ay gacanta ku dhigeen sarkaal kale oo ka tirsan IS, Xudeyfah al Yemeni, kaasoo ay ku tilmaameen in uu "in uu qaabilsanaa fududeynta weerarada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM