Mareykanka oo ka walaacsan qorshe uu damacsan yahay Ruushka

Image

DAKAR — Xoghayaha Arrimaha Dibeddda Mareykanka Antony Blinken ayaa Sabtidii ku celiyey in dalkiisa uu “walaac dhab ah” ka qabo ficillada iyo hadallada Ruushka ee ku wajahan Ukraine, ayada oo xiisad ay sare usii kaceyso.

“Walaac dhab ah ayaan ka qabnaa dhaq-dhaqaaqyada militari ee aan caadiga aheyn ee Ruushka uu ka wado xuduudda Ukraine. Walaac dhab ah ayaan ka qabnaa hadallada qaar ee aan aragno kana maqalno dhanka Ruushka iyo baraha bulshada,” ayuu Blinken u sheegay weriyayaasha isaga oo booqasho ku jooga dalka Senegal.

Blinken ayaa sheegay in walaacyada ay “si weyn ula qabaan” xulufada Mareykanka, hase yeeshee waa uu diiday inuu sheego haddii sirdoonka Mareykanka ay rumeysan yihiin in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu qorsheynayo inuu qabsado dhul ka mid ah Ukraine.

“Ma naqaan waxa uu damacsan yahay madaxweyne Putin. Hase yeeshee waxaan ognahay wixii horey u dhacay. Waan ognahay xeeladda ah in la isku dayayo hurinta daan-daansi dhallanteed ah oo ka yimaada Ukraine ama dal kadibna qiil looga dhigto wixii ay Russia horey u qorsheyneysay,” ayuu yiri Blinken.

Waxa uu tixraacayey xasaradihii qarxay 2014-kii markii Ruushka ay qabsadeen jasiirad u yaalla Crimea kadib markii la riday dowladdii Ukraine ee diiday tallaabooyin ku wajahnaa Reer Galbeedka.

Moscow ayaa sidoo kale xilligaas taageertay gooni u goosato dagaal ka wada bariga Ukraine oo ay degan yihiin dad badankood ku hadla luuqadda Ruushka.

Putin ayaa Khamiistii ku eedeeyey dalalka Reer Galbeedka inay kasii darayaan khilaafka Ukraine ayaga oo dhoola-tus ka sameynaya Badda Madow, islamarkaana diyaaradaha xambaara bambooyinka ku duulinaya meel u dhow xuduudda Russia.

AFP

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM