Mareykanka oo Qadar ka iibinaya hub ku kacaya hal bilyan doolar

Image
Dooxa ayaa jawaabtan wuxuu ka sugaayey dhigiisa Maraykanka in ka badan sanad.

WASHINGTON, United States - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ogolaatay in nidaamka ka hortagga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn laga iibiyo Qatar, sidda ay shaacisay Waaxda Pentagon.

"Iibintan la soo jeediyay waxay taageeri doontaa siyaasadda arrimaha dibadda iyo ujeedooyinka amniga qaranka ee Maraykanka iyada oo gacan ka geysanaysa hagaajinta amniga waddan saaxiib ah oo sii ahaanaya xoog muhiim u ah xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dhaqaale ee Bariga Dhexe," ayaa lagu qoraal kasoo baxay Pentagon-ka.

Heshiiskan ayaa ku kacaya hal bilyan doolarka Mareykanka. Balse, bayaanka wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ayaan lagu caddeyn waqtiga la dhameystiri doono heshiiskan.

Dalka Qatar ayaa jawaabtan wuxuu ka sugaayey dhigiisa Maraykanka in ka badan sanad. Hadafka waa in ay iibsato afar diyaaradood nooca dagaalka ee MQ-9B Predator ah.

Talaabadan ayaa la sheegay in ay qeyb ka tahay heshiis lagu qiyaasay $600 milyan oo dollar oo xukuumadda Dooxa ay kor ugu qaadeyso nidaamkeeda difaaca.

Rajada laga qabo horumarka laga gaarayo heshiiskan kala iibsiga hubka ayaa sarre u kacdey bishii Janaayo markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Qatar u aqoonsadey xulafo weyn oo aan Nato ahayn.

Bishan November, Qatar waxay heshiis gaas ah oo 27 sano ah la gashay shirkadda Sinopec ee Shiinaha, waxayna Talaadadii heshiis gaas ah oo 15 sano ah la gashay Jarmalka.

Qatar ayaa sidoo kale waxay martigelisaa Al Udeid, oo ah saldhigga ciidamada cirka ee Maraykanka iyo xarunta hore ee hawlgalinta dhammaan ciidamada Maraykanka ee Bariga Dhexe, oo sidoo kale loo yaqaan Centcom.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM