Mareykanka oo fariin hanjabaad ah u diray Itoobiya

Image

WASHINGTON — Dowladda Mareykanka ayaa u gogol-xaartay tallaabo cunaqabateyn cusub oo dheeraad ah lagu saarayo dhinacyada ku dagaallamaya waqooyiga Itoobiya, halkaas oo kumanaan qof lagu dilay, malaayiin kalena ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo.

Amar fulineed cusub oo ka soo baxay Aqalka Cad ayaa u oggolaanaya Washington inay qaaddo tallaabo ciqaab ah oo ka dhan ah xubno ku jira dowladaha Itoobiya iyo Eritrea, Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF) iyo dowlad-deegaanka Amxaarada haddii ay door ka qaataan sii socoshada colaadda, carqaladeynta gargaarka bani’aadamnimada ama ay geystaan xadgudubyo daran oo xuquuqda aadanaha ah.

Tallaabadan oo cadaadiska ku saareysa dhinacyada dagaallamaya inay yimaadaan miiska wadahadalka, ayaa timid kadib markii Washington ay marar badan ku baaqday in wadahadal lagu dhammeeyo colaadda iyo in gargaar la gaarsiiyo gobolka waqooyi ee Tigray, halkaas oo colaaddu ka bilaabatay.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku hanjabay in maqnaashaha xabad-jooginta iyo in wadahadal lagu dhammeeyo colaadda Itoobiya inay sababi doonto in Mareykanku uu magacaabi doono hoggaamiyeyaal, ururro iyo hay'ado gaar ah, kuwaas oo la saari doono cunaqabateyn cusub.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay inwarqad uu ra'isul warsaaraha Itoobiya Abyi Ahmed uu diray madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Mareykanka ku eedeyay inay ku gul-darreysteen inay ka taageeraan halganka ay kula jirto TPLF.

Dowlad-deegaanka Amxaarada ayaa sheegtay inay iyana ka walaacsan tahay in Amxaarada lagu daro amar fulineedka Madaxweynaha Mareykanka, laakiin waxay ballan qaadday inay taageeri doonto baaritaanka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo Waaxda Maaliyadda.

Wasiirka warfaafinta Eritrea iyo afhayeenka kooxda TPLF ayaan weli wax hadal ah ka soo saariin arrintan.

Related Articles

Madaxweynaha Belarus oo markii ugu horreysay booqasho ku tagay Kuuriyada Waqooyi

Booqashadan waxay daba socotaa casuumaad uu Kim Jong Un u fidiyay Lukashenko bishii September ee sanadkii hore.

  • Caalamka

    25-03-2026

  • 11:40AM

Bin Salmaan oo ku riixaya Trump sii wadista dagaalka Iiraan, iyadoo laga cabsi qabo khataraha gobolka

Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ka dhex jira saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga…

  • Caalamka

    24-03-2026

  • 04:57PM