Mareykanka oo wajahay 28 dil wadareed qeybta hore ee 2023-ka

Image
Dhammaan dilalka wadareedyada oo midka ugu yar lagu dilay afar ama in ka badan oo aan ku jirin dembiilaha ayaa loo adeegsadey qori.

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa wajahaya rikoor ah 28 dil wadareed qeybtii hore ee 2023, sidda uu muujinayo tirokoob ay sameysay wakaaladda wararka afka dheer ee Associated Press oo xog-uruurin sameysay.

Kororkan xad-dhaafkan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa iyadda oo siyaasad dejiyayaashu ay halgan ugu jiraan sidii ay u xakameyn lahaayeen rabshadaha hubka ee dalka oo dhan.

AP ayaa xustey in 140 dhibanayaal la dilay muddadaas. Dhammaan dilalka wadareedyada oo midka ugu yar lagu dilay afar ama in ka badan oo aan ku jirin dembiilaha ayaa loo adeegsadey qori.

"Waa taariikh aad u xun," ayuu Brent Leatherwood, oo saddexdiisa carruur ah ay ku jireen fasalka dugsi gaar loo leeyahay oo Nashville ku yaalla bishii Maarso markii arday hore uu dilay lix qof, u sheegay AP. "Weligaa uma malaynaysid in qoyskaagu uu qayb ka noqon doono tirakoobkaas".

Xog-ururintan oo ay iska kaashadeen Associated Press iyo USA Today si lmaid ah Jaamacadda Waqooyi-bari ayaa dabagal ku samaynaysay rabshado waaweyn tan iyo 2006-dii.

Dhacdooyinka toogasho wadareedyadda la diiwaan-geliyey 2023 ayaa kor-u-dhaafay rikoorka sanadkii hore oo ahaa 27 dil wadareed, kaas oo la dejiyay qeybtii labaad ee 2022 oo kaliya.

James Alan Fox, oo ah borofisar ku takhasusay dambiyada ee Jaamacadda Waqooyi-bari, waligiis ma malaynin diiwaanada sidan oo kale ah markii uu bilaabay kormeerida xogta shan sano ka hor.

"Waxaan dhihi jirnay waxaa jiray laba ilaa saddex darsin sanadkii," ayuu Fox u sheegay wakaaladda AP. "Xaqiiqda ah in ay jirto 28 nus sano ah waa tirakoob la yaab leh".

Dil wadareedyadda ayaa sii baahaya iyadoo guud ahaan ay kordheen rabshadaha hubeysan. Mareykanka wuxuu wajahay 377 toogasho wadareed tan iyo bilawgii sanadka, sida laga soo xigtay kaydka kaydka rabshadaha qoriga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM