Mareykanka: Rajada cadaalad u raadinta Khashoggi oo saqiirtey

Image
Maxkamad heer federaal ah ayaa laashay dacwad laga gudbiyey dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga.

NEW YORK, USA - Maxkamad ku taal Mareykanka ayaa Talaadadii laashay kiis ka dhanka ah dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ee loo yaqaano MBS, sidda ay warisay warbaahinta gudaha.

Dacwadda oo gudbisay Hatice Cengiz oo ah haweenayda la filayay in uu guursado weriyaha la dilay ee Jamal Khashoggi ayaa ujeedkeedu ahaa in MBS lagula xisaabtamo kaalintiisa khaarijintaas.

Ururka uu aas-aasay Jamal oo lagu magacaabo DAWN (Democracy for the Arab World Now) ayaa "war murugo leh" ku tilmaamay go'aanka ay maxkamadda ka gaartey gal-dacwadeedka.

"Waxaan kala tashanaynaa qareennadayada tallaabooyinka xiga," ayay soo qortey Sarah Leah Whitson oo ah agaasimaha fulinta ee ururka Democracy for the Arab World Now.

Khashoggi, oo ahaa 59 jir ah saxafi Sacuudiyaan ah, ayaa kasoo horjeeday siyaasadda dhaxal-sugaha, waxaana la sheegay in ay dileen 15 xubnood oo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Sacuudiga.

Bin Salmaan, oo 37 jir ah, ayaa bishii Sebtembar noqday Ra'iisal Wasaare. Talaabadan waxay dad badan ku qeexeen isku-day uu ku helayo xasaanad si uu uga baxsado cadaaladda.

Bishii hore, maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in dhaxal sugaha Sacuudiga uu helay xasaanad isla markaana aanan loo maxkamadeyn doonin kiiska saxafi Khashoggi.

Cengiz oo degdeg u cambaareysay go'aankan ayaa waxay dacwad u gudbisay waaxda cadaaladda ee Mareykanka, iyadda oo sheegtay in Maxamed bin Salmaan uusan u qalmin in uu banaanka baaqi sii joogo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM

Falkii Toogashada ee Madxafka Yahuuda ee Washington, D.C. – Faahfaahin Cusub

Dhinaca kale, dhacdadan ayaa xusuusinaysa weerarkii hore ee ka dhacay Madxafka Xusuusta Holocaust ee Washington, D.C., bishii Juun 2009.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 09:47AM