Mareykanka: Ruuxii ka dambeeyay afduub oo la aqoonsadey

Image
Madaxwayne Joe Biden ayaa dhacdadan "la go'doomiyey" wuxuu ku sifeeyay "fal argagixiso".

WASHINGTON, USA - Mas’uuliyiinta dalka Maraykanka ayaa u aqoonsaday nin 44 jir ah oo u dhashay dalka Britain inuu yahay ninkii 10 saacadood afar qof ku qafaashay macbad ku yaalla Texas, ka hor inta aysan kooxda FBI SWAT weerar ku qaadin dhismaha, taasoo soo afjartay ismariwaagii adkaa ee uu madaxweyne Joe Biden ku tilmaamay "fal argagaxiso".

FBI-da ayaa ninkan magaciisa ku sheegtay Malik Faisal Akram, oo 44 jir ah, kaas oo la dilay ka dib markii si nabad ah lagu sii daayay afartii qof ee la qafaashay habeenkii Sabtida.

Bayaan ay soo saartay FBI-da ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax muujinaya in cid kale ay ku lug leedahay. Ma aysan sheegin sababta ka dambeysay weerarka.

FBI-da iyo afhayeenada bilayska ayaa diiday inay ka jawaabaan su'aalo habeenkii Sabtida ku saabsan cidda toogtay Akram markii uu dhammaaday iska horimaadkii ka dhacay Congregation Beth Israel oo u dhow Fort Worth.

Gudaha UK, Bilayska Greater Manchester ayaa sheegay in qaybtooda la dagaalanka argagixisadu ay sameeyeen laba xarig la xiriira dhacdadan. "Laba dhalinyaro ah ayaa caawa fiidkii lagu xiray Koonfurta Manchester," ayaa lagu yiri bayaanka. "Waxay ku sii jiraan xabsiga si su'aalo loo weydiiyo."

Axadii, wasiirka arrimaha dibadda ee Britain, Liz Truss, ayaa cambaareysay afduubkii lagu qabsaday macbadka ay Yahuudu leeyihiin, kuna tilmaantay "fal argagixiso iyo nacayb ka dhan ah Yahuuda".

"Waxaan la garab taagannahay Mareykanka sidii aan u difaaci lahayn xuquuqda iyo xoriyada muwaadiniinteena ka dhanka ah kuwa faafiya nacaybka," ayuu Truss ku soo qortay Twitter.

Xaaladda afduubka ee Texas waxay u muuqatay dhacdo la go'doomiyey, hase ahaatee markii la beegsadey macbadyo ku yaala New York iyo meelo kale oo dalka ah waxaa xoojiyay ammaanka loona diray ciidamo dheeraad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM

Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 06:27AM