Barta Tiktok oo dharbaaxo horleh kala kulantey Mareykanka

Image
Wisconsin iyo North Carolina ayaa ku biiray ugu yaraan 22 gobol oo amarkan soo saarey.

WASHINGTON, USA - Gobollada Mareykanka ee Wisconsin iyo North Carolina ayaa ka mamnuucaya barnaamijka caanka ah ee TikTok ee Shiinuhu leeyahay, sida ay iclaamiyeen guddoomiyayaasha ismaamuladan.

"Waxaan hadda saxiixay amar fulin oo ka mamnuucaya TikTok iyo teknoolojiyadda kale ee khatarta ku ah amniga internet-ka ee aaladaha ay dowladdu bixiso," ayuu yiri Guddoomiyaha Wisconsin Tony Evers.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyey: "Difaaca tignoolajiyada gobolkayaga iyo kaabayaasha amniga internetka iyo ilaalinta sirta dhijitaalka ah waxay sii ahaan doontaa mudnaanta koowaad".

Barasaabka gobolka North Carolina Roy Cooper ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ujeedadu ay tahay in "laga ilaaliyo tignoolajiyada macluumaadka gobolka ee wadamada shisheeye ee sida firfircoon uga qaybqaatay weeraradii dhanka Internetka ee ka dhanka ahaa Maraykanka."

"Ka ilaalinta North Carolina hanjabaadaha internet-ka ayaa muhiim u ah xaqiijinta amniga, nabadda, sirta, iyo guusha gobolkeena iyo dadkeeda," ayuu ka dhawaajiyey Cooper.

Goboladda Wisconsin iyo North Carolina ayaa ku biiray ugu yaraan 22 gobol oo kale oo ka mamnuucaya app-ka caanka ah ee fiidyowga lagu faafiyo ee fadhigiisu yahay Shiinaha.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bishii hore saxiixay amar fulineed kaasoo shaqaalaha dowladda ee heer federaal iyo agabka ay ku shaqeeyaan ka mamnuucaya in ay ku soo degsadaan aaladdan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM