Markab shidaal oo lagu weeraray xeebaha Cumaan

Image
Sarkaal amni oo ay soo xigatay wakaaladda ayaa sheegay in aaminsan yihiin in weerarkan ay ka dambeysay dowladda Iiraan.

MUSCAT, Oman - Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa Arbacada maanta ah waxay sheegtay in xeebaha dalka Cumaan lagu weeraray markab kuwa shidaal qaadey oo laga leeyahay waddanka Israel.

Sarkaal amni oo ay soo xigatay wakaaladda ayaa sheegay in aaminsan yihiin in weerarkan ay ka dambeysay dowladda Iiraan. Xukuumadda Tehran ayaan wali ka jawaabin eedeyntan.

AP ayaa sidoo kale waxay sarkaal kale kasoo xigatay in markabkan uu magaciisu yahay Pacific Zircon isla markaana uu ku gooshaysay calanka waddanka Liberia ee galbeedka Afrika.

Sida laga soo xigtay warbixinta, markabkan ayaa waxaa maamusho shirkada Eastern Pacific Shipping oo fadhigeedu yahay dalka Singapore ee koonfur bari ee qaaradda Aasiya.

Shirkada markabka leh oo bayaan kooban soo saartey ayaa sheegtay in qolofka ay waxyeelo soo gaartay balse aanay wax dhaawac ah qabin shaqaalaha isla markaana aanu shidaal ka quban

Timothy Hawkins oo ku hadlay afka guutadda shanaad ee ciidanka Maraykanka ayaa wakaaladdu kasoo xigatay "waanu ognahay weerarka ka dhacay xeebaha cumaan ee markabka shidaalka loo gaystay".

Weerarada ka dhanka ah maraakiibta ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku badnaa xeebaha dalalka Bariga Dhexe waxaana Yahuuda iyo Iiraan uu midba kan kale ku eedeynayay in uu ka dambeeyay weeraradaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM