Marwada Dhaxal sugaha Ingiriiska oo laga helay Kansar

Image
Kate ayaa ka soo muuqan meel fagaare ah tan iyo dhamaadkii sanadkii tagay.

London (GO) - Marwada Dhaxal sugaha Ingiriiska Kate Middleton ayaa ku dhawaaqday in laga helay cudurka kansarka iyada oo haatan marayso marxalada daaweynta kiimikaada, hadalkaasi oo amakaag ku noqday dadka dalkaas.

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii toddobaadyo baraha bulshada lagu hadal hayay halka ay ku sugan tahay iyo xaaladeeda caafimaad tan iyo markii loo wareejiyay isbitaal bishii Janaayo laguna sameeyay qaliin caloosha ah, oo aan faahfaahin laga bixin.

Kate ayaan lagu arag meel fagaare ah tan iyo dhamaadkii sanadkii tagay ​​ilaa uu soo baxay muuqaal usbuucan laga duubay iyada iyo dhaxal sugaha Amiir William, iyagoo dhex maraya suuqa u dhow gurigooda Windsor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM

Sacuudiga oo Ku Dhawaaqay Maalgashi $600 Bilyan ah oo ay Ku Samaynayo Mareykanka

Maalgashigan ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Sacuudi Carabiya ku sameyso dalka dibaddiisa.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 11:39AM