Mas'uul shaqada looga joojiyey amar gurracan uu bixiyey

Image
Rajesh Vishwas ayaa wajahaya baaritaan uu ku muteysan karo ciqaab haddii dambiga ku cadaado.

NEW DELHI, Hindiya - Mas'uul ka tirsan dowladda Hindiya kuna sugan bartamaha dalkan ayaa shaqada laga joojiyay kadib markii uu amray in biyaha laga shubo biyo-xireen, sidda ay warisay saxaafadda.

Rajesh Vishwas ayaa lagu waramay in uu talaabadan u amray si uu uga soo saaro taleefan nooca casriga ah kaasoo uga dhex-dhacay biyo-xireenka isagoo iska qaadaya sawir Selfie ah.

Sidda ay daabacdey The Times of India, Vishwas ayaa ku magacaaban kormeeraha cuntada degmada Kanker ee gobolka Chhattisgarh waxaana falkaan uu ku kacay todobaadkii lasoo dhaafay.

Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale bilaabay baaritaanno ka dhan ah mas'uuliyiinta oggolaaday in ay fuliyaan amarada Vishwas. Biyo-xireenka laga shubay biyaha ayaa lagu magacaabaa Kherkatta Dam.

Taleefanka ku dhex-dhacay biyo-xireenka ayaa ugu dambeyntii la soo saaray hase ahaatee nasiib darro waa uu shaqeyn waayay maadaama biyo fara badan ay dhex-fadhiyeen

Muuqaal si sir ah loo duubay oo ku faafay baraha bulshada ayaa muujiyeu Vishwas oo hoos fadhiya dallad casaan ah iyadoo matoorada naaftada ay ku ordaan inay biyaha ka soo daadiyaan biyo-xireenka.

Biyo-xireenka Kherkatta Dam ayaa waxaa ku tiirsan guud ahaan beeraleyda ku dhaqan aaggaas, waxaana amarka uu bixiyey mas'uulkan la sheegay in ay halis gelisay duunyadda, dadka iyo waliba dalagoodda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM