Mas’uuliyiin Mareykan ah oo ka Cabsi qaba in Qasa ay isu bedesho “Muqdisho”

Image
Washington ayaa uga digtay Israel cawaaqib xumada ka dhalan karta burburka sharciga iyo kala dambeynta

Washington (GO) - Warsidaha Axios ayaa ka soo xigtay Mas’uuliyiin Mareykan ah in Maraykanku uu Israa'iil ku cadaadinayo inay joojiyaan beegsiga ay ku hayaan booliiska Xamaas ee ilaalinaya baabuurta gargaarka ee Marinka Qasa.

Mas’uuliyiinta, oo aan magacooda la shaacin, ayaa intaa ku daray in Washington ay uga digtay dhinaca Israel in burburka sharciga iyo kala dambeynta ay si weyn uga sii dari doonto dhibaatada bini'aadantinimo ee ka jirta Marinka.

Waxay intaasi ku dareen in ay aad uga walaacsan yihiin in Qasa ay isu beddesho Muqdisho kale, maadaama ammaan-xumada iyo rajo-xumada jirta ay albaabada u fureen kooxo hubeysan oo weerar ku qaadaya dhacna u geysanaya baabuurta sida shixnadaha gargaarka.

Ugu yaraan 11 xubnood oo ka tirsan ciidamada booliska Rafah ayaa lagu dilay duqeymaha cirka ee Israa’iil toddobaadyadii la soo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM