Mas’uuliyiin Mareykan ah oo ka Cabsi qaba in Qasa ay isu bedesho “Muqdisho”

Image
Washington ayaa uga digtay Israel cawaaqib xumada ka dhalan karta burburka sharciga iyo kala dambeynta

Washington (GO) - Warsidaha Axios ayaa ka soo xigtay Mas’uuliyiin Mareykan ah in Maraykanku uu Israa'iil ku cadaadinayo inay joojiyaan beegsiga ay ku hayaan booliiska Xamaas ee ilaalinaya baabuurta gargaarka ee Marinka Qasa.

Mas’uuliyiinta, oo aan magacooda la shaacin, ayaa intaa ku daray in Washington ay uga digtay dhinaca Israel in burburka sharciga iyo kala dambeynta ay si weyn uga sii dari doonto dhibaatada bini'aadantinimo ee ka jirta Marinka.

Waxay intaasi ku dareen in ay aad uga walaacsan yihiin in Qasa ay isu beddesho Muqdisho kale, maadaama ammaan-xumada iyo rajo-xumada jirta ay albaabada u fureen kooxo hubeysan oo weerar ku qaadaya dhacna u geysanaya baabuurta sida shixnadaha gargaarka.

Ugu yaraan 11 xubnood oo ka tirsan ciidamada booliska Rafah ayaa lagu dilay duqeymaha cirka ee Israa’iil toddobaadyadii la soo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM