Masar, Israel, Qatar iyo Maraykanka oo kulan looga hadlaayo dagaalka Qasa ku yeelanayo Qaahira

Image
Arrintan ayaa qayb ka ah dadaallada Masar ee lagu soo afjarayo dagaalka Qasa.

Qasa (GO) - Madaxa sirdoonka Mareykanka, Ra'iisul Wasaaraha Qatar, iyo agaasimaha Sirdoonka Israa’iil ayaa maanta magaalada Qaahira kula kulmaya mas'uuliyiinta Masar si ay uga wada hadlaan xaaladda Qasa.

Arrintan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Masar oo xiriir la sameysay dhammaan saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Qasa.

Wargeyska “The Times of Israel” ayaa sheegay in agaasimaha sirdoonka Maraykanka William Burns lagu wado inuu maanta gaaro Qaahira si uu ugala hadlo Mas’uuliyiinta Masar dagaalka Qasa iyo heshiiska lagu sii deynayo maxaabiista.

Dhinaca kale, Masar ayaa wadda dadaallo la isku-dubbaridayo dhammaan dhinacyada si loo joojiyo dagaalka, kaasi oo si weyn u sameeyay shacabka reer Falastiin oo in ka badan 28 Kun qof ku waaye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM