Maxaa dhaxmaray Hogaamiyaha Xamaas iyo maxaabiista Israa’iil?

Image

QASA (GO) - Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in hoggaamiyaha Xamaas ee Falastiin Yahya Sinwar uu horay ula kulmay tiro maxaabiis ah oo ay ururka ku haysteen mid ka mid ah godadka dhulka hoostiisa mara ee Marinka Qasa.

Wargeyska “Yedioth Ahronoth” ee ka soo baxa Israa’iil ayaa xogtan ka soo xigtay maxbuus dhawaan la sii daayay iyo kuwoo kale oo xaqiijiyay in ay sidoo kale la kulmeen Sinwar.

Haweenay ka mid ah maxaabiista ay Xamaas sii daysay ayaa tiri in markii ay gacanta u galeen ururka ay socdeen muddo saacad ku dhow kadibna gudaha u galeen god dheer ilaa ay ka gaareen hool weyn oo ku dhex yaala.

Waxay sharaxday in maxaabiista ay la socdeen koox ka mid ah dagaalyahannada Xamaas, kadibna waxaa hoolka soo galay Sinwar.

"Wuxuu noo xaqiijiyay in aan la kulmi doonin dhibaato haba yaraatee, oo aan ku badbaadayno halkan." ayay tiri.

Ciidamada Israa’iil ayaa goor hore ku dhawaaqay in 11 maxbuus oo laga soo daayey Qasa ay soo gaareen Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM