Maxaa keenay inay Spain, Norway iyo Ireland isku mar aqoonsi siiyaan Falastiin?

Image

Hogaamiyayaasha Norway, Ireland iyo Spain ayaa sheegay in dalalkooda ay si rasmi ah u aqoonsan doonaan Falastiin inay tahay dowlad xili “nabadda Bariga Dhexe” khatar ku jirto, taasoo keentay in Israa’iil ay si degdeg ah ugu yeerto ergadeeda.

Raiisel wasaaraha Norway Jonas Gahr Store ayaa sheegay in xal laba dawladood ah ay dani ugu jirto Israa’iil, isaga oo intaa ku daray in aqoonsiga uu dhaqan-gali doono 28-ka May.

Wax yar ka dib ku dhawaaqistii Norway, Ra'iisul Wasaaraha Ireland Simon Harris ayaa sheegay in dalkiisu uu sidoo kale aqoonsan doono dowladda falastiin, 28-ka bishan.

"Maanta, Ireland, Norway, iyo Spain waxay ku dhawaaqayaan inaan aqoonsannahay Falastiin," Harris ayaa ka sheegay sidaas shir jaraa'id. "Mid kasta oo naga mid ah hadda waxa uu qaadi doonaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan u ah go'aankaas."

Raiisel wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa sheegay in golaha wasiiradu ay sidoo kale aqoonsan doonaan dowlad madax banaan oo Falastiiniyiinta leeyihiin 28-ka May.

Isagoo ka hadlayay baarlamaanka Spain, Sanchez ayaa ku eedeeyay dhiggiisa Israa’iil, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, inuu “khatar” geliyay xalka labada dal maadaama sii wado “burburinta” Gaza.

Israa’iil ayaa sheegtay in qorshayaasha aqoonsiga falastiiniyiintu ay ka dhigan tahay “abaalmarinta argagixisada” taas oo yarayn doonta fursadaha wada xaajoodka lagu xallinayo dagaalka Gaza, kaas oo bilaabmay 7-dii Oktoobar markii dagaalyahannada Falastiiniyiinta ay gudaha u galeen koonfurta Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM