Maxaa ku soo kordhay dagaalka Suudaan?

Image

KHARTOUM - Ciidamada Suudaan iyo xoogaga Dacam Sariic ayaa isweydaarsaday duqeymo ay ku garaacayeen fariisimaha ay ku leeyihiin caasimadda Khartoum, halka madaxa golaha madaxbanaanida, Abdel Fattah al-Burhan, uu xaqiijiyay inuu soo afjari doono wax uu ku tilmaamay fallaagada hubeysan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Sudan ay duqeymo xoogan ka geysteen goobaha ay kaga sugan yihiin Dacam Sariic xaafadaha” Jabra”, “Al-Shajara”, iyo “Al-Hilla Al-Jadiidah”, oo ku yaala agagaarka xarunta taliska ciidamada.

Saxaafadda Suudaan ayaa warisay in ciidamada Sudan ay beegsanayeen xarumaha ciidamada “Dacam Sariic” ee ku yaala bartamaha iyo bariga magaalada Omdurman ee galbeedka caasimadda.

Tan iyo bartamihii bishii April ee sanadkan, ciidamada Sudan iyo xoogaga Dacam Sariic waxa ay wadeen colaad ay ku dhinteen in ka badan 5,000 oo qof, sidoo kalena ay ku barakaceen in ka badan 5 milyan oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM