Maxaa ku soo kordhay dagaalka Suudaan?

Image

KHARTOUM - Ciidamada Suudaan iyo xoogaga Dacam Sariic ayaa isweydaarsaday duqeymo ay ku garaacayeen fariisimaha ay ku leeyihiin caasimadda Khartoum, halka madaxa golaha madaxbanaanida, Abdel Fattah al-Burhan, uu xaqiijiyay inuu soo afjari doono wax uu ku tilmaamay fallaagada hubeysan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Sudan ay duqeymo xoogan ka geysteen goobaha ay kaga sugan yihiin Dacam Sariic xaafadaha” Jabra”, “Al-Shajara”, iyo “Al-Hilla Al-Jadiidah”, oo ku yaala agagaarka xarunta taliska ciidamada.

Saxaafadda Suudaan ayaa warisay in ciidamada Sudan ay beegsanayeen xarumaha ciidamada “Dacam Sariic” ee ku yaala bartamaha iyo bariga magaalada Omdurman ee galbeedka caasimadda.

Tan iyo bartamihii bishii April ee sanadkan, ciidamada Sudan iyo xoogaga Dacam Sariic waxa ay wadeen colaad ay ku dhinteen in ka badan 5,000 oo qof, sidoo kalena ay ku barakaceen in ka badan 5 milyan oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM