Saamiga shirkadda Facebook oo hoos-u-dhacay

Image
Ciladan ayaa guud ahaan aduunka laga dareemay gelinka dambe ee Isniintii shalay.

WASHINGTON, USA - Adeegyada shirkadaha baraha bulshada ee kala ah Facebook, WhatsApp iyo Instagram ayaa dib u shaqo bilaabay kadib markii ay hawada ka maqnaayee ​​lix saacadood.

Shirkada Facebook ayaa ciladan ku eedaysay arrin farsamo oo gudaha ah, taas oo aan saamayn ku yeelan adeegyada Facebook oo keliya, balse carqaladeysay shaqada iyo emaylka shaqaalaha.

Ciladan ayaa guud ahaan aduunka laga dareemay gelinka dambe ee Isniintii shalay. Shirkaddu waxay sheegtay in aysan jirin "wax caddayn ah oo sheegaya in xogta dadka la waxyeeleeyay".

Sheera Frenkel, oo ah wariyaha teknolojiyadda New York Times, ayaa sheegtay in qayb ka mid ah sababta ay u qaadatay waqti dheer in la hagaajiyo waxay ahayd maxaa yeelay "dadka isku dayaya inay ogaadaan waxa dhibaatadani".

Sida laga soo xigtay shabakadda ganacsiga ee Fortune, aasaasaha Facebook Mark Zuckerberg ayaa ciladan ku waayey lacag lagu qiyaasay $6bn (£4.4bn) oo ah hoos-u-dhaca ku yimid saamiga.

Mr Zuckerberg oo qoraal kooban ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee shabakadda uu mulkiilaha ka yahay ayaa ka raaligelin ka siiyey dadka ay saameysay hakadka ku yimid shaqadda.

Dad badan ayaa rumeysan in ciladda ku timid shabakadahan ay dunida u muujisay sidda ay muhiim ugu yihiin xiriirka dadweynaha caalamka iyo sida ay u saameyneyso haddii la waayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM