Maxamed Bin Salmaan: Haddii ay Iiraan hesho hub Nukliyeer ah anagana waa heli doonnaa

Image

RIYADH, Sacuudiga - Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Fox News ee laga leeyahay dalka Mareykanka ku sheegay in dalkiisa uu heli doono hubka Nukliyeerka ah haddii ay Iiraan sameysato.

Markii la weydiiyay waxa dhici kara haddii Iiraan ay dhab ahaantii hesho bam Nukliyeer ah, Amiir Maxamed bin Salmaan wuxuu yiri, "Haddii ay helaan mid, waa inaan sidoo kale helnaa sababo amni dartood iyo dheelitirnaanta awoodda Bariga Dhexe."

Waxa uu intaa ku daray, "Haysashada hubka nukliyeerka waa wax aan faa'iido lahayn, haddii aad isticmaasho, waxaad u baahan doontaa inaad dagaal weyn la gasho adduunka intiisa kale," isagoo sheegay in dunidu aysan u dulqaadan karin waxa uu ku tilmaamay “Hiroshima cusub”

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in xiriirka Iiraan uu meel wanaagsan marayo, isagoo rajo ka muujiyay inay sii wadi doonaan ka wada shaqeynta danaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM