Maxkamad ku taala Turkiga oo nin ku xukuntey 8,600 sano

Image
Cadnaan Ooktar ayaa lagu eedeeyay in uu geystay dambiyo kala duwan oo ay ku jirto tacadiyo jinsiga ah.

ISTANBUL, Turkey - Maxkamad ku taala magaaladda Istanbul ee waddanka Turkiga ayaa xukun ku riday Cadnaan Ooktar oo ahaa wariye kaasi oo lagu eedeeyay in uu madax ka ahaa koox dambiyo lagu helay.

Xukunsanahan oo sidoo kale loo yaqaan Haaruun Yaxye ayaa iyo 14 kale ayaa lagu xukumay min 8,658 sano, sida ay qortay joornaalka Daily Sabah ee dalka Turkiga .

Oktaar iyo kooxdiisa ayaa horey January 2021 xukuno loogu riday, balse waxaa burisay maxkamada racfaanka ka gadaal markii ay ogolaatey codsi rafcaan oo ay qaateen.

Xukunka maxkamadda rafcaanka ayaa xoriyadooda waxaa dib ugu helay 68 eedeysane halka oktaar iyo saaxiibadiisa u dhaw-na xabsi dheer loo taxaabay.

Barnaamijka uu tabiyaha ka ahaa Oktaar oo ka baxa mid kamid ah telefishinada maxaliga ah ayaa ah meesha ay uga timid eedeynta ugu badan maadaama uu kusoo bandhigo muuqaal kala duwan.

Mid kamid ah muuqaalada buuqa ugu badan dhaliyey ayaa kusoo bandhigay hablo sameynaya waxyaabo anshax-xumo ah, taasoo sababtey in dowlada ay xabsi u taxaabto.

Dhawr mar oo hore ayaa la xiray oo ay kamid tahay 2018, halka sanadka markii uu ahaa 2021-kii lagu xukumay 1,075 sano kadib markii lagu helay tacadiyo dhanka jinsiga ah oo uu kula kacay haween badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taangiyadda Yahuuda oo lagu arkay magaalo ku dhow xuduudka Masar

Tallaabadan ayaa timid saacado ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay aqbashay hindise xabbad-joojin ah.

  • Caalamka

    07-05-2024

  • 03:46AM

Khasaaro ka dhashay duqeyn ay Yahuuda ka geysatay Bariga Lubnaan

Yahuuda ayaa horey weerartey koonfurta Lubnaan kaasoo ay ku dishay afar xubnood oo hal qoys ah.

  • Caalamka

    06-05-2024

  • 04:17AM