Maxkamadda Cadaaladda Aduunka oo diiday codsi uga yimid Koonfur Afrika

Image
Maxkamadda ayaa u soo jeedisay Israa'iil inay ixtiraamto tallaabooyinkii hore lagu soo rogay.

Qasa (GO) - Maxkamadda Caddaaladda Aduunka ayaa diiday codsigii Koonfur Afrika ee ahaa in la soo saaro amar degdeg ah oo lagu ilaalinaayo magaalada Rafah, oo ku taal koonfurta marinka Qasa.

Maxkamadda oo codsigaas diidday ayaa ku nuuxnuuxsatay in Israa'iil ay ixtiraamto tallaabooyinkii hore ee lagu soo rogay dabayaaqadii bishii Janaayo ee la soo dhaafay ka dib dacwadda xasuuqa ee Koonfur Afrika ka gudbisay Israa'iil.

Maxkamadda ayaa bayaankeeda ku sheegtay, "Xaaladda khatarta ah ee Rafah waxay u baahan tahay in si degdeg ah loo fuliyo tallaabooyinka ku meel gaarka ah ee ay maxkamaddu amartay January 26, 2024”

Maxkamaddu waxay intaa ku dartay in Israa'iil ay waajib ku tahay inay si buuxda u fuliso waajibaadka ka saaran heshiiska xasuuqa iyo amarka kor ku xusan, oo ay ku jiraan xaqiijinta ammaanka Falastiiniyiinta ee Marinka Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM