Maxkamadda Cadaaladda Aduunka oo diiday codsi uga yimid Koonfur Afrika

Image
Maxkamadda ayaa u soo jeedisay Israa'iil inay ixtiraamto tallaabooyinkii hore lagu soo rogay.

Qasa (GO) - Maxkamadda Caddaaladda Aduunka ayaa diiday codsigii Koonfur Afrika ee ahaa in la soo saaro amar degdeg ah oo lagu ilaalinaayo magaalada Rafah, oo ku taal koonfurta marinka Qasa.

Maxkamadda oo codsigaas diidday ayaa ku nuuxnuuxsatay in Israa'iil ay ixtiraamto tallaabooyinkii hore ee lagu soo rogay dabayaaqadii bishii Janaayo ee la soo dhaafay ka dib dacwadda xasuuqa ee Koonfur Afrika ka gudbisay Israa'iil.

Maxkamadda ayaa bayaankeeda ku sheegtay, "Xaaladda khatarta ah ee Rafah waxay u baahan tahay in si degdeg ah loo fuliyo tallaabooyinka ku meel gaarka ah ee ay maxkamaddu amartay January 26, 2024”

Maxkamaddu waxay intaa ku dartay in Israa'iil ay waajib ku tahay inay si buuxda u fuliso waajibaadka ka saaran heshiiska xasuuqa iyo amarka kor ku xusan, oo ay ku jiraan xaqiijinta ammaanka Falastiiniyiinta ee Marinka Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM

Sacuudiga oo Ku Dhawaaqay Maalgashi $600 Bilyan ah oo ay Ku Samaynayo Mareykanka

Maalgashigan ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Sacuudi Carabiya ku sameyso dalka dibaddiisa.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 11:39AM