Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Image
Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

DOOXA, Qadar - Kooxaha Difaaca Madaniga ah ee Falastiin ayaa 324 meyd ah ka soo saaray cisbitaalka Nasser ilaa Arbacadii, hay'adda bini'aadantinimada ee Qaramada Midoobay, OCHA, ayaa ku sheegtay warbixinteedii ugu dambeysay ee maalinlaha ah.

OCHA waxay soo xigatay Difaaca Madaniga ah ee Falastiin iyadoo sheegtay in haween, dad waayeel ah iyo bukaanno ay ka mid ahaayeen dadka laga helay isbitaalka oo lagu aasay, waxayna xustay, "kaliya in yar ayaa la aqoonsaday".

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Turk ayaa Talaadadii ku baaqay "baaritaan madax-banaan, wax ku ool ah oo hufan" oo lagu sameeyo dhimashada.

"Isbitaaladu waxay xaq u leeyihiin ilaalin gaar ah marka loo eego sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada, dilka ula kaca ah ee loo geysto dadka rayidka ah, maxaabiista iyo kuwa kale ee dagaalka ka dhanka ah waa dambi dagaal," ayuu yiri Turk.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM