Milateriga Burkina Faso oo fashiliyay afgambi cusub

Image

OUAGADOUGOU - Milateriga Burkina Faso ayaa ku dhawaaqay in ciidamada ammaanka iyo sirdoonka ay fashiliyeen Talaadadii la soo dhaafay isku day afgambi.

Goluhu waxa uu bayaankiisa ku yiri in ay jiraan Saraakiil qorshaynayay inay dalka khalkhal galiyaan iyagoo doonayay in ay weeraraan hay’adaha dowladda, dalkana geliyaan xaalad fowdo ah..

Waxa uu intaasi ku daray inay jiraan dad la soo qab-qabtay, welina ay wadaan Baaritaano lagu baadi-goobayo dadka kale ee ku lugta lahaa falkaas.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM