Mooshin lagu aqoonsanayo Falastiin oo la horgeeyay xeerdejinta Slovenia

Image
Xisbiga mucaaradka ah ee Slovenia Democratic Party (SDS) ayaa si rasmi ah u gudbiyay mooshinkan.

DOOXA, Qadar - Afhayeenad u hadashay xisbiga Slovenia Democratic Party (SDS) ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee AFP in xisbigeedu uu gudbiyay soo jeedin ah in la qabto afti talo bixin ah oo ku saabsan aqoonsiga Falastiiniyiinta.

Slovenia Democratic Party (SDS) waa xisbi mucaarad ah oo uu hogaamiyo raysalwasaarihii hore ee Janez Jansa kaasoo dhowr jeer cambaareeyay duqeymaha ay Israa'iil kawado dhulka Gaza.

Codeynta baarlamaanka, oo loo qorsheeyay in ay qabsoonto Talaadada maanta ah, ayaa dib u dhigay muddo ilaa 30 maalmood, sidda ay sheegeen illo wareedyo.

Dib u dhaca ku saabsan in Slovenia ay dowlad u aqoonsato maamulka Falastiiniyiinta ayaa waxa uu yimid kadib markii Spain, Ireland iyo Norway ay aqoonsadeen dawladnimada Falastiin usbuucii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM