Moscow: 15-Jir badbaadiyay 100 qof oo ku sugnaa hoolka ay weerareen Daacish

Image
Muuqaalo laga duubay 15-jirkan ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada.

Moscow (GO) - Mid ka mid ah dadkii ku sugnaa Hoolka xafladaha Crocus City Hall ee magaalada Moscow intii ay Daacish fulinaysay weerarkii argagixisanimo ayaa diiwaangeliyay sida nin dhallinyaro ah u awooday inuu badbaadiyo daraasiin rayid ah.

Wiilkan oo 15 jir ah, laguna magacaabo Islam, kana shaqeeya hoolka uu weerarku ka dhacay, ayaa wuxuu go'aansaday inuu badbaadiyo 100 qof, ka dib markii uu u horseeday inay ka baxsadaan goobta, una tilmaamay waddada ugu amaanka badan oo ay uga bixsan karaan hoolka.

Muuqaalo laga duubay wiilkan oo lagu tilmaamay inuu ahaa geesi ayaa la wareejinaayay baraha Bulshada, isaga oo kala jihaynaya dadka, si ay uga baxsadaan rasaasta afartii nin ee weerarka ku qaaday caasimadda Ruushka Jimcihii la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM

Sacuudiga oo Ku Dhawaaqay Maalgashi $600 Bilyan ah oo ay Ku Samaynayo Mareykanka

Maalgashigan ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Sacuudi Carabiya ku sameyso dalka dibaddiisa.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 11:39AM