Muxuu Baarlamanka ka hor sheegay Erdogan kadib weerarkii Saaka?

Image

ANAKRA - Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ka qayb galay kalfadhiga baarlamaanka Turkiga, saacado yar kadib weerar argagixiso ah oo lagu qaaday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee magaalada Ankara.

Erdogan ayaa kalmadiisii ku yiri: “Waxaan salaamayaa dhamaan muwaadiniintii noo codaysay doorashadii u dambeeyay, dhibaatooyin badan ayaa ina soo maray, oo ka mid ahaa isku daygii afgambi oo fashilmay”

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan ka codsanaya qof walba inuu ka qaybqaato diyaarinta dastuurka cusub ee Turkiga.”

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in dhulgariirkii ugu dambeeyay ee Turkiga uu ku kacay lacag dhan 105 bilyan oo dollar, isagoo sheegay in lacagtaasi ay aad ugu culustahay dal hadda soo koraya.

Isagoo ka hadlayay weerarkii argagixisanimo ee saaka dhacay waxuu Madaxweynuhu sheegay in ururada argagixisada aysan ku guuleysan doonin inay ka horstaagaan Turkiga xaqiijinta ahdaafta hor yaala.

Dhanka kale, Madaxweynaha oo la hadlay Midowga Yurub ayaa sheegay in aysan u baahneyn xubinnimada ururkaas, wuxuuna sidoo kale kula taliyay inay saxaan khaladaadka ay galeen, isla markaana aysan Turkiga wax tanaasul ah ka sugin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM