Natiijo horudhac ah oo laga helay doorashada Jarmalka

Image
Dalkan ugu dhaqaalaha badan Yurub ayaa sanadka danbe qaban doona xilka madaxweynenimo ee kooxda G7.

BERLIN, Germany — Jarmalka ayaa Isniinta maanta ah galay xaalad siyaasadeed aan hubanti laheyn ka dib markii xisbiga Social Democrats uu si dirqi ah ugu guleystay doorashadii guud ee baarlamaaniga dalkaasi, hase yeeshee waxa uu wajahayaa xisbiga muxaafidka ee ay hoggaamiso Angela Markel oo helay natiijo aad ugu dhow.

Dalkan oo 16 kii sano ee ay hoggaamineysay Markel haystay xasillooni ayaa toddobaadyada iyo bilaha soo socda waxa uu galayaa xaalad adag, iyadoo xidbiga SPD ee uu hoggaamiyo wasiirka maaliyadda Olaf Scholz iyo hogaamiyaha xisbiga conservatives-ka Armin Laschet ay ku loollami doonaan in ay helaan axsaab ay dowlad la dhistaan.

Natiijooyinka hordhaca ah ayaa sheegaya in xisbiga bidixda dhexe ee SPD uu helay 25.7 boqolkiiba, halka xisbiga midigta dhexe ee CDU-CSU ee Markel uu helay natiijadii ugu hooseysay oo ah 24.1 boqolkiiba.

Hoggaamiyaha SPD Olaf Scholz ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu xukuumad isbaheysi ah lasoo dhiso xisbiyada Greens iyo Liberals-ka FPD, isaga oo yiri, in Jarmalka ay go’aansadeen in kadib 16 sano oo xukun ah ay xisbiga Merkel ka dhigaan mucaarad.

Dalkan ugu dhaqaalaha badan Yurub ayaa sanadka danbe qaban doona xilka madaxweynenimo ee kooxda G7 ee ay ku mideysan yihiin dalalka hodanka ah, iyadoo uu u baahnaan doono dowlad awood leh dejinta ajandayaasha caalamiga ah.

VOA

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM