Nepal: Diyaarad ay saarnaayeen 72 rakaab ah oo burburtey

Image
Ra’iisul Wasaare Pushpa Kamaal Dahal ayaa shir deg deg ah isugu yeeray golihiisa Wasiirada.

KATHMANDU, Nepal - Diyaarad ay saarnaayeen 72 ruux rakaab ah ayaa ku burburtey meel ku dhow madaar ku yaala bartamaha dalka Nepal. Ugu yaraan 40 meyd ayaa illaa hadda la xaqiijiyey, sidda warbaahinta warisay.

Duulimaadka Yeti Airlines oo ka yimid caasimadda waddankaas Kathmandu ayaa wuxuu dab uu ka kacay iyada oo ku daganeysa magaalada loo dalxiiska caanka ku ah  ee Pokhara.

Ra’iisul Wasaare Pushpa Kamaal Dahal ayaa shir deg deg ah isugu yeeray golihiisa Wasiirada, wuxuuna ku booriyay hay’adaha dowladda inay ka shaqeeyaan gurmadka.

Rakaabka, 53 ka mid ah ayaa la sheegay inay u dhasheen Nepal. Diyaaradda waxaa saarnaa shan Hindi ah, afar Ruush ah iyo labo Kuuriyaan ah, sida xogta horudhaca ah ay muujineyso.

Mas'uuliyiin ayaa sidoo kale waxaa laga soo xigtey in uu jiro min hal rakaab ah oo ka yimid Ireland, Australia, Argentina iyo France iyo kuwo kale oo illaa haatan aan dhalashadooda la caddeyn.

Shilalka diyaaradaha maaha wax ku cusub dalka Nepal, inta badan waxaa sabab u ah dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee fogfog iyo isbeddellada cimillada ee lama filaanka ah ee keeni kara xaalado khatar ah.

Diyaarad ay leedahay shirkadda Tara Air ayaa bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay 2022 waxay ku burburtay degmada Mustang ee waqooyiga Nepal, waxaana ku dhintay 22 qof.

Horraantii sanadkan 2018, 51 qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad ay leedahay shirkadda US-Bangla oo ka soo duushay magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh uu dab qabsaday xilli ay ku degeysay magaalada Kathmandu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM