Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran
WASHINGTON - Sida laga soo xigtay warbixinno ka soo baxay Israel, waxaa sii kordhaya kala aragti duwanaanshaha u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, gaar ahaan qaabka loo wajahayo Iran.
Channel 13 ayaa sheegtay in Taliyaha Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), Admiral Brad Cooper, uu mas’uuliyiinta Israel u sheegay intii uu booqashada ku joogay in uu taageerayo in dib loo bilaabo duqeymaha iyo dagaalka ka dhanka ah Iran. Warbixinno kale ayaa sheegay in Israel ay diyaargarow militari sameyneyso, iyadoo xitaa fasaxyada qaar ee askarta la joojiyay, xilli ay soo baxayaan calaamado muujinaya suuragalnimada weerarro cusub.
Si kastaba, Trump ayaa toddobaadyadii u dambeeyay muujiyay inuu doorbidayo in cadaadis dhaqaale iyo diblomaasiyad la adeegsado halkii weerarro cusub laga qaadi lahaa Iran. Warbixin dhowaan soo baxday ayaa sheegtay in Trump uu doonayo hab “low key” ah oo uu diiradda saarayo cadaadiska dhaqaale, iyadoo Washington ay isku dayeyso inay dib u soo celiso wada-hadallada Tehran.
Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo. Trump ayaa horey cadaadis ugu saaray Netanyahu inuu joojiyo tallaabooyin militari oo khatar gelin kara xabbad-joojinta, waxaana warbixinno ay tilmaameen in xiriirka labada hoggaamiye uu noqday mid ka murugsan marka loo eego bilowgii dagaalka Iran.
Netanyahu, dhanka kale, wuxuu weli Iran u arkaa khatar istiraatiiji ah oo aan la iska indho tiri karin, wuxuuna doonayaa in awoodda milatari ee Tehran si joogto ah loo wiiqo. Tani waxay ka dhigan tahay in Israel ay u janjeeri karto tallaabooyin militari oo dheeraad ah xitaa haddii Washington ay doorbideyso in fursad loo siiyo wada-hadallo iyo cadaadis aan militari ahayn.
Kala duwanaanshahan ayaa imanaya xilli Netanyahu uu sidoo kale si cad uga horyimid qorshe cusub oo Trump uu u diyaariyay Gaza, taas oo muujisay in labada xulafo ay hadda isku khilaafayaan arrimo badan oo siyaasadda Bariga Dhexe ah.
GARWE ONLINE