Netanyahu oo ka hadlay horumarka laga gaaray wadahadaladii XMS iyo Israel

Image
Mareykanka, Masar, Qatar iyo Israel ayaa dhankooda gaaray isfaham ku saabsan "sifada aasaasiga ah" ee heshiiska .

Qasa (GO) - Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii sheegay in aysan weli caddayn in wadahadallada socda ay ka soo bixi doonaan heshiis laga gaaro maxaabiista.

Wuxuu intaas ku daray: "Dhammaanteen waxaan ka shaqeyneynaa heshiis aan ku sii deyneyno maxaabiista, laakiin ma dammaanad qaadi karno dhaqan galkiisa."

Ra'iisul wasaaraha ayaa diiday inuu faahfaahin ka bixiyo halka uu marayo heshiiskan, laakiin wuxuu sheegay in Xamaas ay tahay inay aqbasho xal macquul ah.

"Markii aan bilowno howlgalka Rafah, waxaan toddobaadyo naga xigi doonaa guul dhameystiran." ayuu raaciyay.

Dhanka kale, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka Jake Sullivan ayaa Axaddii sheegay in Mareykanka, Masar, Qatar iyo Israel ay gaareen isfaham ku saabsan "sifada aasaasiga ah" ee heshiiska maxaabiista oo horseed u noqon kara in lagu dhawaaqo xabbad-joojin ku meel gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM