Netanyahu: Weerarka aan ku wadno Qasa waa bilaw oo kaliya

Image

QUDUS - Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Jimcihii sheegay in weerarka rogaal celiska ah oo ay Israa’iil ku qaadday Qasa uu yahay bilow, balse ma uusan faahfaahin waxa soo socda iyo inta uu ku soo kordhin doono weerarka.

Netanyahu waxa uu intaa ku daray,"Waxaan ku weerareynaa cadawgeena xoog aan horay loo arag, waxa aan xaqiijinayaa in tani ay tahay bilow oo kaliya."

Xamaas ayaa 7-dii Oktoobar billowday howlgalka "Daadadka Al-Aqsa", kaas oo dagaalyahannadoodu ay gudaha u galeen aagga Israa'iil isla mar ahaantaana ay ku rideen kumannaan gantaallo ah.

In ka badan 1,300 oo qof ayaa lagu dilay Israa’iil oo u badan dad rayid ah tan iyo markii uu billowday weerarka, waxaana ku jira 258 askari, sida lagu sheegay tiradii ugu dambeysay ee ciidamada, tirada dhaawaca ayaa gaartay in ka badan 3,200 oo qof, iyada oo tirada la haystayaasha la xaqiijiyay in ay gaarayaan illaa 120.

Marinka la go'doomiyay waxaa ku dhintay 1,799 falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 583 caruur ah, halka ay ku dhaawacmeen 7,388 muwaadiniin ah ayaa ku dhaawacmay duqeynta xooggan ee Israa'iil ay uga jawaabtay howlgalka, sida lagu sheegay tiradii ugu dambeysay ee ka soo baxday wasaaradda caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM