Nin faas ku weeraray dad ku cibaadeysanayay Masaajid

Image
Baarayaasha kiiskan ayaa rumaysan in weerarka uu la xariiro nacayb ka dhan ah dadka Islaamka.

TORONTO, Canada - Ninkan ayaa lagu magacaabaa Mohammad Moiz Omar, waxaana lagu soo ooogay lix dambi oo ay ka mid yihiin weeraro la mid ah kan lagu qabtay iyo in uu qorsheynaye walxo lid ku ah amaanka.

Baarayaasha kiiskan ayaa rumaysan in weerarka uu la xariiro nacayb ka dhan ah dadka Islaamka.
 
Dadka cambaareeyay weerarkaas oo ku tilmaamay mid aad looga xumaado waxaa ka mid ah Raysal Wasaaraha dalka Justin Trudeau, wuxuuna bogaadiyay geesinimada ay muujiyeen dadkii masaajidka ku tukanayay.
 
Bulshada Muslimiinta ah ee ku nool dalka Canada ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday tiro weerar toogasho ah sanadii 2017-dii kaas oo ka dhacay masaajid ku yaala magaalada Quebec waxaana ku dhintay 6 qof, 8 kalana waa ay ku dhaawacmeen.
 
Sannadkii hore, afar qof oo ka mid ah qoys Muslimiin ah ayaa lagu dilay weerar baabuur oo ka dhacay magaalada London ee gobolka Ontario, kaas oo ay booliisku ku tilmaameen in uu ahaa weerar Islaam nacayb ah.
 
Waxuu weerar noocan ah ka dhacay masaajid ku yaala dalka Swiziland halkaas oo nin ku hubaysnaa qoryaha darandooriga u dhaca uu ku laayay dad tiro badan.

Weeraradan oo reer galbeedka aysan si adag u cambaareyn ayaa inta badan waxay ka dhacaan wadamadda dowladaha tunka weyn ee aduunka oo ay ku badan yihiin dadka qaba nacaybka ka dhanka ah diinta Islaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM