Nin ku hubeysan qaanso iyo fallaaro oo dad ku dilay Norway

Image

OSLO, Norway - Nin ku hubeysan qaanso iyo fallaaro ayaa ku dilay shan qof labo kalana dhaawacay magaalada Kongsberg ee koonfur -bari Norway, sida ay sheegeen booliska deegaanka.

Eedeysanaha ayaa la xiray, sida laga soo xigay taliska booliska, hase ahaatee, sababaha ka dambeeya weerarrada dhacay Arbacadii ayaan weli caddeyn.

Sida ku xusan warbixinta booliiska, tuhmanaha ayaa ku wareegay magaalada dhexdeeda isagoo dadka ku tooganaya fallaaro. Booliska Norway ayaa sheegay in ay baari doonaan in weerarkaasi uu ahaa fal argagixiso iyo in kale.

Ra'iisul wasaare Erna Solberg ayaa daaha ka rogtay in wararka ka imaanaya Kongsberg ay yihiin kuwo laga naxo.

"Waan fahamsanahay in dad badani ay baqayaan, laakiin waxaa muhiim ah in la xoojiyo in bilaysku hadda gacanta ku hayo," ayay Solberg ku sheegtay shir jaraa'id goor dambe oo Arbacadii ah.

Booliska ayaa shacabka ku booriyay inay guryahooda joogaan, waxaana la xiray dhowr xaafadood, iyadoo muuqaalada telefishinka ay muujinayaan gawaarida gurmadka deg -degga ah iyo boolis hubaysan oo goobta ku sugan. Waxaa sidoo kale goobta loo diray diyaarad helicopter ah iyo kooxda ka hortagga bambooyinka.

Rabshadaha hubaysan waa wax dhif ku ah Norway, laakiin waddanku wuxuu la kulmay weeraro ka imaanaya midigta-fog. Anders Behring Breivik ayaa qaaday weerarro mataano ah oo ay ku dhinteen 77 qof July 22, 2011.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM