Nin loo haysto diyaarad la qarxiyey 34-sano kahor oo la qabtey

Image
Abu Agila Mohammad Mas'udKheir Al-Marimi ayaa ku jira gacanta ciidamadda Mareykanka.

WASHINGTON, USA - Nin ku eedeysan diyaaradda lagu magacaabo Pan Am 103 oo la qarxiyey December 21, 1988, ayaa ku jira gacanta Mareykanka, sidda ay Axada maanta ah sheegeen mas’uuliyiin.

Qaraxa oo ka dhacay magaalada Lockerbie ee Scotland ayaa sababay geerida 270 qof. Dhacdadan waxay kamid noqotey kuwa ugu dhimashada badan taariikhda casriga ah.

BBC-da oo soo xiganaysa afhayeen u hadlay xeer-ilaalinta iyo booliska ayaa magaca latuhunsanaha waxay ku sheegtay Abu Agila Mohammad Mas'udKheir Al-Marimi ("Mas'ud" ama "Masoud").

"Xeer-ilaalinta Scotland iyo booliiska, oo la shaqeynaya Dowladda UK iyo saaxiibada Mareykanka, waxay sii wadi doonaan baaritaankan, iyadoo ujeedadu tahay kaliya in cadaaladda la horkeeno kuwa la macaamilay Al Megrahi," ayuu raaciyey afhayeenka.

Sida ay warbixinadda muujinayaan, Masoud waxaa qafaashay koox maleyshiyo ah oo ku sugan Liibiya kadibna waxa u gacan-geliyeen saraakiisha Ameerikaanka ah ee joogta waddankaas.

Diyaaradda oo ay saarnaayeen 259 qof rakaab ah ayaa ku sii jeeday magaalada New York waxaana ay ka dhooftey caasimadda boqortooyadda Ingiriiska ee London.

Marka laga soo tago rakaabka saarnaa, waxaa sidoo kale dhacdadaas ay galaafatay 11 kale oo dhulka joogay gaar ahaan magaaladda Lockerbie oo ku taal koonfur-galbeed ee Scotland.

Dhimashadda ka sokow, waxaa burbur xoogan uu soo gaarey dhismeyaal ku dhow meesha ay ku dhacdey diyaaradda taasoo sii badisay khasaaraha maaliyadeed ee dhacdadaas ay u geysatay magaaladda Lockerbie.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biden oo lagu cambaareeyay "inkirida" saxafiyiinta lagu dilay Gaza

Madaxweynaha Mareykanka oo martigeliyay xaflad ku saabsan xorriyada saxaafada ayaan soo hadal-qaadin qadiyaddan.

  • Caalamka

    28-04-2024

  • 04:23AM

Sacuudiga oo ka digay Shirkadaha Xajka ee bixiya dukumentiyo been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa degniintan soo saaray.

  • Caalamka

    27-04-2024

  • 07:47AM