Nin uureeyay inan 9-jir ah oo lagu xukumay cimrigaaga haku furto

Image
Gabadha ayaa 10 sano jirsatay ka hor inta aysan iska soo xaaqin uurka oo dood heer qaran ah ka abuuray Mareykanka.

WASHINGTON, USA - Nin ku nool dalka Mareykanka ayaa lagu helay dambi ah inuu uureeyay gabar 9-jir ah, taas oo ku qasbanaatay inay u safarto gobolka si ay u soo xaaqdo, sidda ku cad labo dacwadood oo kufsi ah.

Gerson Fuentes, oo 28 jir ah, ayaa Arbacadii maxkamad ku taal magaalada Columbus gobolka Ohio waxay ku xukuntay xabsi daa’in taas oo ka dhigan cimrigaaga haku furto.

Fuentes ayaa waxa uu xaq u yeelan doonaa in uu raadsado rafcaan kadib marka uu jeelka ku qaato 25 ilaa 30 sano. Intaas waxaa wehlisa in loo diiwaan-gelin doono dambiile geystay dambi galmo.

Kiiskan ayaa waxa uu xudun u noqdey dood kulul oo ka dilaacdey guud ahaan Mareykanka waxaana uu abuuray muran ku saabsan in ilmaha iska soo ridi karaan hablaha ku nool Ameerika.

Sheekada inanta ayaa noqotay mid si weyn u baahdey kadib go’aankii maxkamada sare ee lagu baabi’iyay xeerka Roe v Wade, kaas oo horay u ilaalin jiray in ilmo iska soo xaaqidda uu dastuurku u aqoonsan yahay sir.

Gabadha oo 10 sano jirsatay ka hor inta aysan iska soo xaaqin uurka ayaa xaqiijisay in Fuentes uu soo weeraray isla markaana uu kufsi bartilmaameed ah u geystey.

Fuentes ayaa sidoo kale u qirtay dambi-baarayaasha booliiska Columbus. Baaritaanka DNA-da ee uurjiifka la soo tuuray ayaa xaqiijiyay Fuentes inuu yahay aabaha, sidda ay shaaca ka dhigeen dacwad oogayaasha degmada Franklin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM