Ninkii diley Robert Kennedy oo codsanaya in la siidaayo

Image
Hase yeeshee garyaqaanka ninkani ayaa sheegay in Sirhan oo 78 jir ah hadda uusan wax halis ah ku ahayn bulshada.

WASHINGTON, US - Sirhan Sirhan oo ahaa ninkii toogashada ku dilay musharixii madaxweynaha Maraykanka Robert Kennedy sanadkii 1968-dii ayaa garsoore Maraykan ah ka codsaday in laga siidaayo xabsiga.

Robert Kennedy oo la dhashay madaxweyne Joseph Kennedy oo isna la dilay ayaa markaas ku guuleystay codadka gobolka California oo markaas muhiim u ahaa guusha doorashada, balse daqiiqado kadib ayuu Sirhan Sirhan ku dhex toogtay Hotel Ambassador.

Barasaabka gobolka Gavin Newsom ayaa diiday in xabsiga laga siidaayo ninkani xilli hore, wuxuuna sheegay in uu Sirhan halis ku yahay amniga dadweynaha.

Hase yeeshee garyaqaanka ninkani ayaa sheegay in Sirhan oo 78 jir ah hadda uusan wax halis ah ku ahayn bulshada.

Barasaabka gobolka ayaa qaba in Sirhan uusan weli xitaa ka garaabin dambigii badeley jihadii siyaasadda ee uu gaystay, aysana jirin sabab loo cafiyo.

Sharciga cafinta dambiyada ayaa ee California ayaa qaba in Maadaamaa uu Sirhan dambiga ku galay yaraan isaga oo 24 jir ah, haddana uu oday moqday, ay banaantahay in la siidaayo.

Hase yeeshee guddiga xabsiyada ayay tahay in ay goaan ka gaaraan arrinka Sirhan Sirhan oo sidoo kale ah arrin xiisad siyaasadeed oo weyn dhalin karta.

Guddiga xabsiyada oo horey marar kala duwan u goaamiyay in Sirhan la sidaayo ayaa waxaa laalay barasaabka gobolka.

Sirhan Sirhan waa nin masiixi Carab ah oo ka yimid dalka Urdun.

Qoyska Robert Kennedy ayaa ku kala qeybsan siidaynta Sirhan, 2 ka mid wiilasha ayaa qaba in la siidaayo ninkan, halka 6 kale oo carruurtiisa iyo xaaskiisa ah ay diidanyihiin.

Basaraabka California Mr Gavin ayaa Robert Kennedy u arka haldoorkiisa siyaasadeed, isaga oo sawiradiisa ay u suranyihiin xafiiska iyo gurigaba.

Garyaqaanka Sirhan Sirhan oo lagu magacaabo Berry ayaa barasaabka ku eedeeyay in ajandihiisa siyaasadeed uu ka hormarinayo illaalinta dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM