Ninkii sameeyay talaalka Covid19 oo uu isagii ku dhacay cudurka

Image
Waxaa jirta dawo cusub oo la sheegay in ay wax ka tarayso noocyada cusub ee cudurka.

WASHINGTON, United States - Agaasimaha shirkadda Pfizer Albert Bourla ayaa sheegay in uu ku dhacay cudurka Karoonaha.

Shirkaddan ayaa dunida caan ka noqotay kadib markii ay soo saartay tallaalka cudurka oo ay qaateen malaayiin qof oo dunida daafaheeda kala jooga.

Agaasimaha ayaa hadda sheegaya in uu roonyahay kadib markii uu qaatay dhawr kuuro oo ah dawada afka laga qaato ee cudurka.

Waxaa jirta dawo cusub oo la sheegay in ay wax ka tarayso noocyada cusub ee cudurka, balse agaasimaha wuxuu sheegay in uusan weli qaadan isaga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM