Pakistan: Maxkamad damaanad u kordhisay Imran Khan

Image
Ra'iisul Wasaarihii hore ee waddanka Pakistan ayaa wajahaya dacwad argagixisanimo.

ISLAMABAD, Pakistan - Maxkamad ku taal Pakistan ayaa kordhisay mudada uu damaanadda haysto ra'iisul wasaarihii hore Imran Khan ka hor inta aan loo xirin kiis "argagixiso" waxaana ay gaarsiisey illaa 20-ka September sanadkan 2022.

Khan ayaa Isniintii kasoo muuqday maxkamada la dagaalanka argagixisada ee caasimada Islamabad taasoo dib u dhigtay dacwada ilaa 20-ka September kadib markii dacwad oogayaasha dowlada ay codsadeen in lasiiyo waqti dheeri ah oo ay ku diyaariyaan doodooda.

Madaxa xisbiga Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa lagu soo eedeeyay "argagixisanimo" kadib hadal uu ka jeediyay isu soo bax 20-kii Ogosto kaasoo ka dhanka ahaa saraakiisha booliiska iyo haweeney garsoore ah oo amar ku bixisay in la xiro mid ka mid ah kaaliyayaashiisa sare Shahbaz Gill.

Intii ay socotey Khudbadiisa, Khan ayaa ku hanjabay "in uu qaadayo tallaabo sharci ah oo ka dhan ah saraakiisha sare ee bilayska Islamabad iyo garsooraha Zeba Chaudhry oo ogolaaday in xabsi lagu haayo Gill laba maalmood".

Gill ayaa la xiray 9-kii Ogosto kadib markii lagu eedeeyay in uu kicinayay gabood fallo ka dhan ah militariga Pakistan ee awoodda badan intii uu socday barnaamij TV ah. PTI-da Khan ayaa sheegtay in Gill lagu jirdilay xabsiga dhexdiisa.

Intii lagu guda jiray dhageysiga Isniintii, dacwad oogaha gobolka Raja, Rizwan Abbasi, ayaa maxkamadda u sheegay in Khan uu diiday inuu horyimaado kooxda baarista inkastoo saddex ogeysiis la siiyay.

Isaga oo ka jawaabaya eedentaas, Babar Awan, oo ah qareenka Khan, ayaa shaaca wuxuu ka dhigay in hadalka macmiilkiisa mar hore la siiyay sarkaalka baadhista.

Xukuumadda Khan ayaa xilka looga qaaday codka kalsoonida bishii Abriil. Tan iyo markaas, waxa uu dalka oo dhan ka waday isu soo baxyo dadweyne oo uu ku dalbanayo doorasho cusub, taasoo dhici doonta dabayaaqada sanadka soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka oo gudaha Ukraine ka bilaabay weeraro rogaal celis ah

Dagaalka oo sii xoogeystay tan iyo Jimcihii, ayaa horseeday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ballaaran iyo barakac baahsan oo rayidka ah.

  • Caalamka

    12-05-2024

  • 05:47PM

Walaac caalami ah oo ka dhashay weerarada bur-cadbadeeda Soomaaliya

Saddexdii bilood ee hore ee sanadkan 2024-ka, waxaa Soomaaliya laga soo sheegay shan weerar gaadmo ah.

  • Caalamka

    12-05-2024

  • 04:59AM