Pakistan: Naftii-halige ugu yaraan 44 qof ku dhex-dilay masjid

Image
Ururka Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP) ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkan dhiiga badan daadiyey.

ISLAMABAD, Pakistan - Ugu yaraan 44 qof oo ay ku jiraan askar boolis ayaa ku dhintay in ka badan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen waqooyi-galbeed Pakistan Isniinta maanta ah ka dib markii naftii-halige uu isku qarxiyay gudaha masjidka kadib salaadii duhur, sidda ay sheegeen saraakiil dhanka ammaanka ah.

Mohammad Asim, oo ah afhayeenka Isbitaalka Lady Reading ee magaalada Peshawar, halkaasoo la geeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxa, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tirada dhaawaca iyo dhimashada ay kordhi karto.

"In ka badan 12 ka mid ah dadka dhaawaca ah ayaa xaaladoodu aad u liidataa, wayna sii kordhi kartaa waqti walba," ayuu raaciyay. Masjidka ayaa ku yaala gudaha xarunta booliska.

Ururka xiriirka la leh Taliban garabka Pakistan, Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP), ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkan khasaaraha badan dhaliyay. Dadka dhintay ayaa isugu jiray dhowr sarkaal oo ka tirsan booliiska iyo wadaado.

Wasiirka Difaaca, Khawaja Asif, ayaa Geo News u sheegay in qofka looga shakisan yahay inuu is qarxiyay uu taagnaa safka hore ee masjidka, isla markaana uu is qarxiyay markii salaadda la billaabay.

Peshawar waxay ahayd meel ay ka dhacaan weeraro argagixiso muddo labaatan sano ah, inkastoo xaaladda sharciga iyo kala dambeynta ay si weyn u soo hagaagtay dhowrkii sano ee u dambeeyay.

Weerarkii ugu dambeeyay ee ugu weynaa ee ka dhaca Peshawar ayaa dhacay sanadkii hore, markaasoo qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay gudaha masaajid Shiicada ah, kaasoo ay ku dhinteen 63 qof. Inta badan weeraradan waxaa fuliya garabka Taalibaan ee waddankaas dadka ay waxyeelada soo gaartana waa rayid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM