Perez Molina: Madaxwayne hore oo lagu xukumay 16-sano xarig ah

Image
Xukunsanaha ayaa lagu helay laba dambi kuwaasoo midkiiba u dhigma min sideed sano xabsi ah.

GUATEMALA CITY, Guatemala - Maxkamad ku taalla waddanka Guatemala ayaa madaxweynihii hore ee dalkaasi Otto Perez Molina iyo ku xigeenkiisa Roxana Baldetti waxay ku heshay dambiyo la xiriira xatooyadda xoola dadwayne iyo wax isdaba marin, iyadoo ku xukuntay midkiiba 16 sano oo xarig ah.

Perez Molina ayaa lagu helay danbi ah burburinta iyo khiyaameynta nidaamka kastamka, sidda uu Arbacadii shalay sheegay garsooraha ku dhawaaqay xukunka ee Irma Jeannette Valdes.

"Labadaas dambi ayaa midkiiba waxaa u taagan sideed sano oo xabsi ah," ayuu yiri Valdes. "Tani waxay ka dhigan tahay in mid walba oo labadooda kamid ah lagu xukumay 16-sano xarig ah".

Perez Molina iyo Baldetti oo is casiley 2015 ayaa ku jirey xabsiga tan iyo waqtigaas. Eedeymahan waxay si weyn u garaafeeyeen maqaamkooda siyaasadda.

Ku dhawaad ​​30 qof oo kale oo ay ku jiraan shaqaalaha canshuuraha iyo ganacsato ayaa ku lug lahaa kiiskan kaasoo ku kacay ilaa 1 milyan oo doollar oo laaluush ah iyo $2m oo dakhli ka soo galay dowladda.

Eedeysanayaasha qaarkood ayaa la sii daayay Arbacadii kadib markii lagu waayay wax dambi ah. Maxkamadda ayaa amartey in si degdeg ah ay xorriyadooda dib ugu helaan shaqsiyaadkan.

Mareykanka ayaa si weyn u dhaleeceeyay daciifinta dadaallada ka dhanka ah musuqmaasuqa ee Guatemala, waxaana sanadkii hore uu u diidey fiisaha Mareykanka xeer ilaaliyaha guud ee Guatemala Consuelo Porras, kaasoo daba socday dacwad oogayaal hore oo kusoo oogay baaritaanno musuqmaasuq ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil oo ku dhow inay gaaraan heshiis

Dawladaha carabta ayaa riixaya in la dhiso dowlad Falastiin taa beddelkeedana ay aqoonsan doonaan Israa’iil.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 06:45AM

Shiinaha oo hawada sarre ka baadi-goobaya ciid iyo dhagxaan

NASA waxa ka mamnuuc ah sharciyan in ay wax wada shaqayn ah, mid toos ah ama mid dadban, la yeelato Shiinaha.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 04:15AM