Puntland oo hirgelisay habka midaynta xIsaabaadka Dawladda

Image
Wasaaradda Caafimaadka ayaa noqotay xaruntii ugu horeysay ee laga daahfuray barnaamijkan.

GAROWE, Puntland - Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Xarunta dhexe ee Wasaaradda caafimaadka ka daahfurtay midaynta xIsaabaadka Dawladda.

Daah-furkan ayaa noqonaaya xaruntii ugu horaysay ee xarumaha Dawladda ee laga bilaabo midaynta xisabaadka dawlada oo Wasaraadda Maaliyaddu ka shaqaynaysay saddexdi sano ee la soo dhaafay gaar ahan xafiiska Xisaabiyaha guud.

Waxaa ka soo qeyb galay munasabad Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka Mudane Abdinaasir Yuusuf Xaaji, Xisaabiyaha guud ee Dawladda Puntland Mudane Cumar Salax Adan, agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda caafimaadka iyo saraakiil ka socotay Wasaaradda Maaliyadda.

Mudane Cumar Saalax Aadan Xisaabiyaha guud ee Dawladda Puntland oo furitaanka ka hadlay ayaa yiri: "Waxaan ugu horayn uga mahadcelinayaa Wasaaradda caafimaadka oo maanta aan ka bilaabayno nidaamkaan cusub ee lagu midaynayo xisaabaadka Dawladda kaasoo mudo saddex sano ku dhaw aan ka soo shaqaynaynay, nidaamkaan ayaa loogu talagalay sidii Dawladda Puntland uyeelan lahayd hal meel oo laga maamulayo".

Wasiirku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Abdinaasir Yuusuf oo soo xiray shirka ayaa sheegay: "Waxaan u mahadcelinayaa Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan Xafiiska Xisaabiyaha guud oo barnaamijkaan muhiimka u ah dawladnimadeena maanta halkaan inoogu soo bandhigay, taasoo qayb ka ahayd barnaamij siyaasadeedkii uu madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Abdulaahi Dani kusoo bandhigay ololahiisi doorashada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Wadahadal Iiraan lala bilaabay — maxaa dhab ah?

In ka badan 2,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaalkan, badankoodna waxay….

  • Caalamka

    23-03-2026

  • 06:58PM

Mareykanka iyo Israa’iil oo lagu eedeeyay inay buunbuuninayaan guulaha ay ka gaareen dagaalka Iran

Madaxweynaha ayaa bartiisa Truth Social ku sheegay inuu dib u dhigi doono weerarada ilaa dhammaadka toddobaadka.

  • Caalamka

    23-03-2026

  • 02:55PM