Putin iyo Xi Jinping oo kulankii koowaad yeeshay tan iyo Febraayo

Image
Madaxwayneyaasha Ruushka iyo Shiinaha ayaa shirkooda uu u dhacay qaab aan horey looga baran.

MOSCOW, Russia - Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, iyo Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa kulan aad loo sugaayey ku yeeshay shir-madaxeedka magaalada Samarkand, Uzbekistan, ee Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO).

Labada hogaamiye ayaa kulmay Khamiistii iyadoo xiriirka Putin iyo Xi ay la leeyihiin reer galbeedka uu sii xumaadey sababo ku aadan duulaanka Moscow ee Ukraine iyo dhibaateynta militariga Beijing ee Taiwan.

Putin iyo Xi ayaa markii ugu dambeysay oo ay si fool ka fool ah isku arkaan waxay ahayd bishii Febraayo, iyagoo ballan qaaday in xiriirka Ruushka iyo Shiinaha uu noqon doono "mid aan xad lahayn".

Khamiisti, Xi ayaa Putin wuxuu ku tilmaamay "saaxiibkiisii ​​hore". Hadal-jeedintiisa kulanka ayaa codka laga jaray taasoo aan suurtagal ka dhigayn in la maqlo khudbadii uu shirka ka jeediyey.

Putin waxa uu fadhiistay meel masaafo dheer u jirta Xi. Wafuuda labadda dhinac ayaa ku hareereysanaa labadda hogaamiye. Qaabkan wuxuu Putin muddooyinkii dambe ku qaabilayey madaxda reer galbeedka.

Xogta China ayaa muujisay todobaadkan in Shiinuhu iibsanayo sahay tamareed oo qaali ah oo Ruushku leeyahay. Ruushku waxa uu noqday dalka Shiinaha ugu sareeya ee keena saliida laga bilaabo May ilaa Julaay.

Kulanka Putin uu la qaatay Xi ayaa daba socday ka qeybgalka ciidamada Shiinaha oo dhoolatus ballaaran oo ay la sameeyeen dhigooda Ruushka. Tababarka Vostok 2022 (Bariga 2022) ayaa lagu qabtay Bariga Fog ee Ruushka iyo Badda Japan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM