Putin oo ka hadlay qorashaha lagu doonayo in Falastiiniyiita Qasa la dajiyo Masar

Image

MOSCOW - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Arbacadii sheegay in baaqyada loogu yeerayo Falastiiniyiinta inay isaga qaxaan Qasa oo ay aadaan gacanka Siinaay ee Masar. Madaxweynaha Ruushka ayaa sheeegay in Qasa ay ka mid tahay dhulka taariikhiga ah ee Falastiin.

Putin ayaa yiri: "Dhulkan waa dhulka ay ku nool yihiin Falastiiniyiinta, sidoo kale waxay ahayd in la dhiso dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah oo ay qeyb ka tahay Qasa”.

Mas’uuliin ku sugan Qasa ayaa dhawaan sheegay in Masar ay u dhaqaaqday sidii ay uga hortaggi lahayd qax ballaaran oo ka imaanaya marinka Qasa kuna wajahan gacanka Siinaay.

Israa’iil ayaa ku duqeynaysa Qasa duqeymihii ugu cuslaa taariikhda colaaddan soo jiitamaysay muddo 75 sano tan iyo markii dhaqdhaqaaqa Xamaas uu gudaha u galay Israa’iil Sabtidii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM