Putin oo noqday hogaamiyihii ugu xukunka dheeraa ee Russia soo mara

Image
Vladimir Putin ayaa helay 87.33% ee codadka la tiriyay.

Moscow (GO) - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa guul weyn ka gaaray doorashadii madaxtinimada, isagoo sii xoojiyey awooddiisa, wuxuuna guushaas sheegay inay muujinayso in Moscow ay ku saxan tahay inay is-hortaagto reer galbeedka oo ay ciidamo u dirto Ukraine.

Natiijadu waxay ka dhigan tahay in Putin (71 jir) uu lix sano oo kale sii hogaamin doona Ruushka, taasoo ka dhigaysa hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee Russia in ka badan 200 oo sano, isaga oo dhaafay muddada hogaamiyihii hore Joseph Stalin oo gacan bir ah ku xukumayay Midowgii Soofiyeeti ilaa uu geeriyooday 1953kii.

Natiijadii ugu dambeysay ayaa muujisay in Vladimir Putin oo helay 87.33%, Nikolai Kharitonov ayaa helay 4.31%, halka Vladislav Davankov uu helay 3.79%, Leonid Slutskyna uu helay 3.19%, ka dib markii la tiriyay 99.5% codadka.

Maraykanka, Jarmalka, Ingiriiska iyo dalal kale ayaa sheegay in doorashadu aanay ahayn mid xor ah, taas oo ay ugu wacan tahay xarigga siyaasiyiinta ka soo horjeeda taliska Putin.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxay Guusha Ninka Muslim-ka ah ee noqday Duqa New York uga dhigan tahay Trump?

Tartanka ugu weyni wuxuu ahaa isaga iyo Andrew Cuomo, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka New York.

  • Caalamka

    05-11-2025

  • 08:01AM

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM