Qaramada Midoobay oo u hiilisay shacabka Qasa

Image

NEW YORK - Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah ugu baaqay "Xabbad-joojin bini'aadantinimo oo degdeg ah", ka dib markii ciidanka Israa'iil ay ku dhawaaqeen "ballaarinta" hawlgallada ay ka fulinayaan Marinka Qasa.

Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay go'aankan “wax laga xishoodo,” isagoo xusay inay maalin madow u tahay Qaramada Midoobay iyo bani’aadamnimada,sida uu hadalka u dhigay.

Dhankeeda, madaxtooyada Falastiin ayaa soo dhaweysay go'aanka ay gaareen golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ee lagu ilaalinayo dadka rayidka ah.

Waxa ay carabka ku adkeysay in codka 120 dal ay ku taageereen qaraarka ay ka dhigan tahay in dunidu ay xaqiijineyso diidmada gardarada ah ee lagu hayo Qasa, ka barakicinta dhulkooda, iyo abuurista masiibo cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM