Qarax ka dhacay suuq mashquul badan oo dhimasho sababay

Image
Inta badan rabshadaha ayaa loo arkaa falcelin ka dhalatay maalgashiga ee Beijing ee gobolkan.

KABUL, Pakistan - Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay 14 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay suuq ay dadku ku badan yihiin oo ku yaalla gobolka Balochistan ee dalka Pakistan.

Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda weerarka ka dhacay Barkhan, oo qiyaastii 500km (310 mayl) bari ka xigta caasimadda gobolka ee Quetta, kaasoo ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan rabshadaha ka socda waddanka dhaca Koonfurta Aasiya.

Sajjad Afzal, oo ah taliyaha booliiska deegaanka, ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid sida muuqata ku xirnaa mooto, waxaana lagu qarxiyay aalad meelaha fog fog laga hago.

Shabakadda wararka ee Pakistan Dawn.com ayaa ka soo xigatay guddoomiye ku xigeenka Barkhan Abdullah Khoso in dadka dhaawaca ah la keenay isbitaalka Rakhni.

Inta badan rabshadaha ayaa loo arkaa falcelin ka dhalatay maalgashiga ee Beijing ee gobolka si ay ugu xiraan gobolka Xinjiang ee Shiinaha iyo Badda Carabta ee Balochistan.

Mas'uuliyiinta ayaa ku andacoonaya in ay damiyeen kacdoonka hubeysan, balse weli rabshaduhu waa ay socdaan. Gobolka  waxaa ka dhacay weeraro ay geysteen labada kooxood ee TTP iyo ISIL.

Kooxda Taliban garabkeeda Pakistan ayaa lagu eedeeyay in ka badan 100 weerar tan iyo markii ay isaga baxeen xabad joojin ay la galeen dowladda Pakistan bishii November ee la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ingiriiska oo joojiyay xiriirka ganacsiga Israel markii ay gargaarka u diiday Gaza

Britain ayaa sidoo kale cunaqabateyn cusub ku soo rogtay dad iyo kooxo samaynaya rabshado ka dhan ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed. 

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 02:48PM

Trump: Wadahadal “si aad ah u fiicnaa” baan Putin kala yeeshay Xabad-joojinta Ukraine 

Sidoo kale, Trump ayaa sheegay in Vatican-ka, oo uu matalayo Papa, uu muujiyay xiisaha uu u qabo martigelinta wadahadalada.

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 05:21AM